Taliye Muumin: Maleeshiyo ayaa haysata Xarunta Baarlamaanka Puntland+VIDEO

Taliyaha qeybta Booliska ee Gobalka Nugaal Muumin Cabdi Shire, ayaa sheegay iney Weerarkii caawa ka dhacay Xarunta Golaha Wakiilada Puntland ay ka danbeeyeen Ciidamo maleeshiyaad ah oo uu sheegay iney heystaan Xarunta Baarlamanka ee Garoowe.

Taliye Muumin ayaa xusay iney goobta tageen saraakiisha Ciidamada Booliska & Daraawiishta, kadibna Xabadda lagu bilaabay, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in weerarkaas lagu dilay askari katirsan Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, halka kuwo kalena lagu dhaawacay , Taliyaha ayaana intaas ku daray in Xarunta qeyb kamid ay weli ku jiraan Maleeshiyaad uu sheegay inaan heybtooda la garanayn.

Si kastaba ha ahaatee, Xaalada Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa haatan degan kaddib iska hor-imaad kooban oo ka dhacay Xarunta Golaha Wakiilada Puntland, kaas oo inta la xaqiijiyay sababta dhimashada Askari iyo Ganacsade goobtiisa xabadu ugu tagtay iyo Saddex dhaawac ah.