Baarlamaanka Puntland oo saaka codka u qaadaya Guddoomiye Dhoobo-daareed iyo Ciidanka oo la..

Ciidanka Dowladda Puntland ayaa abaaro 1:00 habeenimo ee xalay si rasmi ah ula wareegay Xarunta Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, taas oo fiidnimadii hore ay ka dhacday Is rasaaseyn, kaddib markii ay qabsadeen xarunta maleeshiyo aan u diiwaan-gashaneyn Dowladda, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Maxamed Muuse “Gacmey”.

Sidoo kale, Xildhibaan Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa loo diray saqdii Dhexe ee xalay inuu jiro kulanka khamiislaha ah ee Golaha oo uu awal fasax galiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/xakiin Dhoobo-daareed, wallow aan la cadeyn ajandaha Golaha.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka Golaha Wakiilada Puntland ee maanta la hor-geynayo Mooshin ka dhan Guddoomiye Dhoobo-daareed, kaas oo ay saxiixeen 45 Xildhibaan, waxaa gacanta ku haya gudoomiye kuxigeenka baarlamanka.