Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland ?+Sawirro

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Wasaarada Haweenka ayaa laga dhagaystay Xaalada haweenka Jubbaland iyo shaqooyinka la xiriira hormarinta haweenka ee Wasaaradu ay wado.

Guddiga dhakhliga ayaa laga dhagaystay warbixin la xiriirta hanaanka kobcinta dakhliga iyadoo guddigan laga sugayo Qorshaha Cusub ee hirgalinta kobcinta dakhliga kaas oo wax badan ka tari doona dhaqaalaha Jubbaland.

Wasaarada Macdanta iyo biyaha ayaa soo bandhigtay sida ay deegaanka saamayn ugu yeelanayso dhagaxa dhulka laga qodo taas oo qiimayn lagu samaynayo kadibna Wasaaradu ay go’aano Cusub kasoo saari doonto.