WAR DEG DEG AH: Baarlamaanka Puntland oo kalsoonidii kala laabtay Guddoomiye Dhoobo

Xildhibaanada Golaah Wakiilada oo kulan aan caadi aheyn ku leh xarunta Baarlamaanka ee Garoowe, ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/xakiin Dhooba-daareed.

Kulanka oo ay soo xaadireen 53 Xildhibaan, ayaa waxaa Shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Puntland Abukaate C/caziiz, iyadoona Golaha la hor-dhigay Mooshin ka dhan ah Guddoomiye Dhooba-daareed oo ay saxiixeen 44 mudane.

49 xildhibaan ayaa ogalaatay xil ka qaadista Guddoomiyaha, 4 xildhibaan ayaa ka aamusay, sida uu ku dhawaaqey Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland Abukaate Cabdicasiis Cabdulaahi.

Xildhibaanada ka gudbiyay Mr. Dhooba-daareed Mooshinka xilka looga qaaday ayaa ku eedeeyay, arrimo ay kamid yihiin:

1: In uu xarunta Golaha soo dhoobay malayshiyaad uu soo urursaday, islamarkaana uu jebiyay qodobka 55-aad ee xeer-hoosaadka golaha Wakiilada.

2: In uu ilaalo hubaysan la soo galay hoolka shirarka ee Baarlamanka oo sida ay sheegeen mamnuuc ka ah, in lala soo galo hub iyo ciidan, taasina ay jebinayso xeer-hoosaadka, gaar ahaanna qodobka 55-aad ee Xeer-hoosaadka fiqraddiisa 3-aad.

3: In uu awooddii Golaha uga faa’idaystay sida uu jecel yahay iyo in uu jebiyay 59-aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in ay wada-shaqeeyaan saddexda hay’adood ee dowladda si sharciga waafaqsan.

4:In guddoomiyuhu uu lumiyay dhex-dhexaadnimadii gudaha Baarlamanka, iyagoo ku eedeeyay in uu eex iyo xad-gudub ku sameeyo xildhibaanada aan isaga la fikirka ahayn.