Garoowe: Shir u dhexeeya DFS iyo Dowlad Gobaleedyada oo furmaya+VIDEO

Shirka looga hadlayo sidii loo dhameystiri lahaa Shuruuc Shan ah oo kasoo gudubtay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana wadatashi laga sameeyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS, ayaa ka furmaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Guddoomiyaha Maaliyadda, Dhaqaalaha ganacsiga iyo Warshadaha ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Sanoter Axmed Dhuxuloow (Dhagdheer) iyo Xubno ka socday dowlad goboleedyada ka jira dalka ayaa soo gaaray shalay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Xubno katirsan Labada Gole ee Dowladda Puntland iyo Madaxweynihii Hore ee Puntland ahna Senator katirsan Golaha Aqalka Sare Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa wafdiga soo dhaweeyey, waxaana ay halkaasi u tageen shir ka furmaya Magaalada Garoowe.

Sanoter C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in Shuruuucda Shanta ah ee soo martay Golaha Shacabka kala tashanayaan Dowlad goboleedayda laga bilaabay Puntland.

Sanoter Cabdi Axmed Dhuxuloow  ayaa sheegay inay qasab noqotay in shuruucdaan markii ay kasoo dhamaatay labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya wadatashi lagala yeesho Dowlad goboleedyada oo ay iyaga matalayaan.

Maalinta berito ah oo Sabti ah ayaa la filayaa in Xubnaha ka socda Guddiga Maaliyadda Dhaqaalaha ganacsiga iyo Warshadaha ee Aqalka Sare iyo Xubnaha Dowlad Goboleedyada in uu shirka uga furmo Magaalada Garoowe.