Puntland oo xukuno dil ah ku fulisay xubno katirsanaa Al-Shabaab iyo Daacish

Maxkamadda Darajada kowaad ee Ciidanka Qalabka sida ee Dowladda Puntland ayaa fulisay xukunka shan xukamane oo ay Maxkamaddaha ciidamadu ku heleen inay kamid ahaayeen kooxaha Argagixisada ah ee Al- Shabaab iyo Daacish.

Raggan oo lagu toogtay duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ayaa horey Maxkamadaha Ciidamada ee Darajadda Koowaad iyo Racfaanka ugu xukumeen dil, waxaana la xaqiijiyey in la fuliyey saacadihii hore ee maalintii Khamiista.

Xukumanayaasha dilkooda ay fuliyeen cutubyo katirsan Ciidanka Difaaca Puntland ayaa kala ahaa;

1-Ibraahin Guudow Boorow oo 23 jir ah.

2-Faarax Siciid Faarax oo 19 jir ah.

3-Sheikh Cabdi Cabdulqadir Sheikh oo 22 jir ah.

4-Shaafici Xuseen Macalin oo 19 jir ah.

5-Xasan Laamow Aadan oo 39 jir ah.

Ragga dilka togashada ah lagu fuliyay ayaa muddo dheer ku xirnaa xabsiga dhexe ee Magaaladda Boosaaso, kuwaas oo kol hore laga wada qabtay gudaha deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa leh saxiixa ugu dambeeya ee dadka dilka lagu xukumo, waxaana tani ay noqonaysaa markii 1-aad ee Madaxweynaha oo xaafiiska haya muddo ka yar 1 sanno uu saxiixo in dil lagu fuliyo dad lagu helay inay ka dambeeyeen dilal iyo weeraro ka dhacay Puntland.