Jubbaland oo ka hadashay Ciidamo la sheegay inay uga biireen DFS

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa ka hadlay Ciidamo dhawaan sheegay inay ka goosteen Jubbaland ayna ku biireen dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Xamar.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay  jiraanka Cidamo uga biiray Dowladda Federaalka, balse aysan ahayn wax weyn.

“Horta Beledxaawo, Luuq iyo Doolow waxaa jooga hal ciidan, oo ah ciidanka Soomaaliyeed, oo ammaanka ilaaliyo, oo waajibaadkiisu uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab. Waxaa jira ciidan dhallinyaro ah, oo ka tirsanaa ciidankii Beledxawo oo aaday magaalada Luuq, iyaguna waxay u tageen ciidankoodii kale oo jooga Luuq, wax dhib ah oo ka taaganna ma jiro, mar walbana way dhacdaa in ciidan meel lagu ogaa ay si amar la’aan ah ama sabab la xiriirta khilaaf dhex mara iyaga iyo madaxdooda uga tagaan xarumahoodii, marka ma aha wax weyn ama sida ay idaacaduhu u dhigayaan, meel ay ka baxsadeen iyo cid ay u baxsadeen midna ma jirto”, ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.

210 askari oo ka tirsanaa ciidammada uu fadhigoodu yahay Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, isla markaana hoostagta Dowlad Gobaleedka Jubbaland, ayaa la sheegay inay u goosteen dhinaca dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Dadka saadaliya Is-bedelada Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya ayaana rumeysan in talaabadaas ay dhabar jab ku aheyd Madaxweyne Farmaajo iyo Hamigiisii Soyaasadeed ee ku aadana in Is-bedel taageersan laga sameeyo Jubbaland, maadama uu nidaam beeleed adeegsada, si uu jajabiyo Midnimada Jubbaland.