DEG-DEG: Xiisad ka taagan Garoonka diyaaradaha Muqdisho Iyo Shariif & Xasan

War goor dhow soo baxay ayaa sheegaya in xiisad ka taagan tahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaddib markii Maamulka Garoonka uu amar ku soo rogay in aanay ka dhoofi karin wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo maanta ku soo jeeda Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in la xanibay diyaaraddii ay wafdiga raaci lahaayeen, kaddib amar dowladda ka soo baxay

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in wafdiga Madaxweynayaashii hore oo xilligan ku sugan garoonka loo diidan yahay safarkooda Beledweyne, isla markaana ay tahay arrin la siyaasadeynayo.

“Labada Madaxweyne safarkooda gurmadka Beledweyne ee maanta waa loo diidan yahay inay garoonka ka dhoofaan, maamulka Garoonka, waxay leeyihiin ma bixi kartaan amar ayaa heysanaa, markaa weydiinay waxay na dhaheen Madaxweyne Waare iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bixi raba oo beledweyne aadaya”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq