Khayre Oo ka baaqday Beledweyne una safray Faransiiska

Ra’iisul Wasaare Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Khayre,ayaa u safray dalka Fanasiiska oo uu uga qayb gelayo shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo socanaya Nofeembar 11-13, 2019.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ,yaa safarkiisa Faransiisaka kadib waxuu tegayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium oo uu kula kulmayo hoggaanka cusub ee midawga Yurub.

Ra’isal-Wasaaraha, ayaa ka baaqday isla maanta safar uu ku tagi lahaa Magaalada Beledwayne oo ay saameeyeen fatahaada Biyaha webiga Sahbelle,kadib booqashadii Madaxweynayaashii hore ee Beledweyne.

Dad badan,ayaa ku doodaya markii uu awoodi waayay ka celinta Madaxweynayaashii hore Beledweyne,ayuu isku sii daayay Ra’isalwasaare Khayre dalka Faransiiska si indhaha shacabka looga leexiyo faashilka taagan.

”Shir maqaamkiisu hooseeyo oo uu soo qabanqaabiyo Machad loogana doodo Nabada aduunka,ayaa la sheegay in uu kaga qaybgalayo dalkaas”sidaa waxa ayiri mid kamid ah shacabka oo aan wax ka waydiinay socdaalka Khayre.

Sidoo kale aqoon yahan Cabdi Faarax oo ana wax ka waydiinay safarka RW Khayre,ayaa yiri”Masuuliyada uu sheeganayo masuulkii hayaa maantoo kale oo dalkiisu ay ka jiraan xaaladaha Somaliya ka taagan damiirkiisu masiiyeen in uu ubaxo socdaal umuuqda nasasho”.

Guud ahaan Somaliya waxay bulshadu ka niyad jabsan yihiin siyaasada ay dalka ku hogaaminayaan madaxda sare ee Dowlada Dhexe.