Madaxweynayaasha Kenya iyo Somaliya Oo Nayrobi ku kulmaya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo,ayaa ku wajahan magaalada Nayrobi.

Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ee kenya,ayaawaxuu ku aadan yahay sidii ay uga qayb geli lahaayeen shirka Hoggaamiyeyaasha Xubnaha ka ah Dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD, kaas oo ka furmi doona todobaadkan gudihiisa magaalada Nayrobi ee caasimada dalkaas..

Madaxweynaha,ayaa kla filayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Nayrobi in uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaybta ka ah ururka ee k a soo qayb geli doona shirka.

Si gaar ah waxaa loo filayaa sida ay noo axqiijiyeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Villa Somaliya in uu la kulmi doono Madaxweynaha Kenya.

Tagida Farmaajo ee Nayrobi waxay xiligan kusoo aaday,iyadoo Maxkamada Aduunka ay dib u dhigtay Dacwadii Badda ee ka dhaxaysay Kenya iyo Somaliya,waxaana jira tuhun tilmaamaya in Madaxweyne Farmaajo dabac umuujiyay Dawlada kenya.