Madaxweyneyaashii Hore oo u duulay Beledweyne iyo Kheyre oo ka baaqday.

Wafdigii Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa u dhoofay garoonka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan, kaddib muddo saacado ah oo lagu xanibay garoonka Diyaaradaha Muqdisho subaxnimadii hore ee saaka.

Wafdiga ka socda Madasha Xisbiyada Qaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Madasha Sheekh Shariif, ayna wehlinayaan Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo xubno kale, ayaa saaka lagu xayiray amar kasoo baxay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin kamid ah Maamulka Garoonka.

Go,aankan ayaa sababtay jawhareer, waxaana madaxdii hore iyo wafuudii la socotay ay ku adkeysteen in aanay garoonka ka bixi doonin, illaa ay diyaaradda ka raacaan.

Sababtii saaka loo xayiray Madaxdii Hore ayaa ka dambeysay kaddib safar lagu waday inuu Beledweyne ku taggo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kaasoo markii dambe ka baaqday.

Dhacdadii saaka ayaa u muuqatay loolan labada dhinac, ee dowladda iyo Madasha Xisbiyada Mucaaradka, waxaana dad badan ay dhaliileen tallaabada siyaasadeysan ee lagu hor-istaagay wafdiga Madasha Xisbiyada Qaran ee gurmadka u waday Beledweyne.