Muxuu ku salaysnaa kulanka Madaxweyne Deni iyo Suldaanka Warsangeli?

Kulanka Madaxweyne Deni iyo Suldaan Siciid ma ahan sida loo dhigayo sida ay ii xaqiijiyeen ilo wareed lagu kalsoonaan karo.

Kulanka muhiimka ahaa waxuu dhacay ka hor xiisadii Baarlamaanka,waxuuna qayb ka ahaa casuumad sooryo gobeed iyo karaamayn isimada waa weyn oo Madaxtooyadu ay samayso.

Madaxtooyadu waxay Isimada ku karaamaysay Gawaari Land Cruiser ah iyo dhaqaale fiican oo cadaan ah.

Isimada,ayaa ah laf dhabarta isku haysa reer Puntland waxayna saami ku leeyihiin maamuuska iyo miisaaniyada Xukuumada Puntland.

Kulanka labaad waxuu ahaa mid kooban oo Odoyaal jifida hoose ee Dhoobo ah ay kula kulmayeen Madaxweynaha Suldaankuna goob joog ka ahaa.

Odoyaashu waxay Xukuumada ka dalbadeen in la siiyo Magtii Nin ka mid ahaa Maleeshiyadii Dhoobo oo ku geeriyooday hawlgalkii kala danbayn kusoo celinta Baarlamaanka,dood dheer kadibna Madaxtooyadu waa ogolaatay codsigii Odoyaasha.