ONLF Oo ku eedeeysay Cagjar faragalin Uu ku hayo Shirka ONLF

Shirka maanta ayaa waxa uu galay jawi doorasho oo waxaa loo tartamayaa Gudoomiyaha ururka, waxaana jirta xamaaasad xooggan oo doorashada ku saabsan.

Qodobada kale ee shirka diiradda lagu saarayana waxaa ka mid dib u geesista xeerka ururka ONLF iyo barnaamijka siyaasiga.

Afhayeenka ururka ONLF Cabdiqaadir Xassan Hirmooge(Caddaani) oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in shirka maanta ilaa berri lagu dooran doono guddoomiyaha ururka, iyadoo ay tartarmi doonaan laba xubnood oo la soo xulay.

Caddaani oo u warramayay weriyaha BBC-da ee magalaada Jigjiga Cabdinaasir sheekh Maxamed Xikam ayaa la weydiyay maadaama ay xeer hoosaadka ururka dib u geesi ku sameeyaan in meesha laga saari doono qodobkii ahaa in goblka Soomaalida ay Itoobiya gumeysato. Balse Cabdiqaadir ayaa ku jawaabay in Mabaadii’doodii aysan waxba iska bedeleyn.

”Si Nabad ah inaan dadka yaga u halganaan qaadanay, Itoobiya ayaana heshiiskaasi wadada galnay”.

”Ummadaha kaleba mabaadii’doodu wey wataan, waxay aaminsan yihiin wey wataan marka inaga kuwaa unbaan la mid nahay”, ayuu yiri Caddaani.


Afhayeenka oo ka jawaabayay su’aal kale oo ahayd in shirkooda ka socda magaalada Godey ay xubnaha ugu sareeyo xukuumadda deegaanka ay faraha kula jiraan ayaa yiri markale”

”Way jirtaa Xan badan,balse anagu ma hayno wax cadeyn ah oo faragelintaasi ku saabsan”.

Xigasho:-BBC