Xaalad adag oo ka taagan Degmada Bardaale+VIDEO

Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxaa kusoo rogmaday daadad ka dhashay Roobkii deyrta oo ka da’ay deegaano katirsan gobolka Baay,waxaana uu saameeyey qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo adeegyadii degmadaas.

Badi dadkii ku noolaa degmada Bardaale ayaa u barakacay duleedka degmadaas,waxaana sidoo kale xirmay oo ay biyo xireen Isbitaalka degmada Bardaale oo aan xilligaan Shaqeyn.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku tegay Bardaale ayaa sheegay in Isbitaalka Bardaale ay biyo buux dhaafiyeen,isla markaana xilligaan uusan Shaqeyn.

Gurmadyo kala duwan ayaa la gaarsiinayaa dadkii ka barakacay daadadka ka dhashay roobabka ee degmada Bardaale ee Gobolka Baay,kuwaas oo ku sugan duleedka degmadaas.