Baarlamaanka Jubbaland oo ka hadlay saameynta fatahaadaha Webiga Jubba+VIDEO

Xildhibaanada Baarlamaanka Dawlad-Gobaledka Jubbaland oo maanta yeeshay fadhigii 28-aad ee kalfadhigga 1-aad ayaa kulankooda ku falanqeeyey saameynta ay dadka Jubbaland ku yeelatay fatahaadda webiga Jubba.

Kulankan oo ay soo xaadireen 39 Mudane waxaa shir guddoominaayey guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Jubbaland mudane Cabdi Baalley Xuseen, waxaana diiradda lagu saaray sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadda iyo roobka dayrta.

Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa ballan qaaday lacago tadawucaad ah oo ay ugu deeqayaan dadkii ay fatahaadahan saameeyeen iyaga oo sidoo kale laamaha kala duwan ee dawladda, ganasatada iyo bulsha waynta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qayb ka qaataan gurmadka loo fidinayo dadkan.

Xildhibaanada ayaa laamaha dawliga ah ee ay khusayso si gaar ah uga codsaday in ay wax uga qabtaan samaynta caafimaad ee fatahaadahan ka dhalan karta isla markaana loo gurmado beeraleyda ay fatahaaduhu wax yeeleeyeen dalagoodii beeraha iyo agabkii ay ku shaqaysanayeen.