Dr. C/weli Gaas oo fariin digniin ah u diray Madaxweyne Farmaajo+WAREYSI

Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, kana mid ahaa Ra’iisul Wasaarayaashii dalka soo maray ayaa nasiib daro ku tilmaamay sida loola dhaqmay madaxweynayaashii hore ee soo maray dalka, isagoo ugu baaqay dowladda inay dejiso xiisadaha siyaasadeed.

Isagoo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu sheegay in Madaxdii hore ee dalka soo xukumay ay mudan yihiin in la ixtiraamo.

“Waa ka xumahay runtii waxa dhacay, horayna u dhacay, maantana dhacay waa nasiib darro, Madaxweynayaasha dalka ayay soo xukumeen, in la ixtiraamo ayay mudan yihiin qof kasta oo soomaali ka mudan yihiin, waqti adag bey wadankaan u soo shaqeeyeen oo Madaxweynayaal u soo ahaayeen”ayuu yiri C/weli Gaas.

Mr Gaas ayaa sheegay ayaa talo ahaan ugu soo jeediyay Madaxweyne Farmaajo in haddii dalka shido kajirto loo baahan yahay in shidada la yareeyo, haddii ay yar tahayna la baabi’iyo, balse shido gacamahaaga ku abuurtay haddii ay tahay inay kugu soo laabaneyso.

“Sideedaba haddii aniga siyaasadda wax un ka bartay Soomaaliya, waxa weeye wadanka haddii ay shido jirto, shidada jirto waa la yeeraa, haddii ay badan tahay waa la yareeyaa, haddii ay yar tahay waa la baaba’iyaa, laakiin maalin walba shido cusub la abuuro oo aan horay u jirin oo gacmahaga ku falkisaa adiga ayay dib kugu soo laabaneysaa dhib ayay keeneysaa dalka u keeneysaa, maamulkaagana u keeneysaa”ayuu yiri C/weli Gaas.

Wafdi ay hoggaaminayeen Madaxweynayaashii hore oo ku sii jeeday Beledweyne, ayaa shalay saacado lagu xanibay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana markii ay dib ugu soo laabteen Muqdisho, shir jaraa’id uu qabtay Sheekh Shariif ku hanjabay in haddii ay dowladda joojin weydo dulimiga ay wado ay dalka uga saarayaan sidii Al-Shabaab, Ciidamada Itoobiya iyo hoggaamiye kooxeedyadii uga saareen, iyadoo dowladda Federaalka oo hadalkaas ka jawaabtay ugu baaqday Sheekh Shariif inuu sharciga ilaaliyo.