Jen. Mahad “Ninkii il la’ iyo kii lug la’ lagama rabo Ciidanka Asluubta”+VIDEO

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in Ciidanka Asluubta ay ka rabaan inay ka mid noqdaan dhalinyaro nadiif ah, isagoo tilmaamay in aanay u baahneyn kuwo naafada ah.

Hadal uu ka jeediyay Munaasabad uu kula hadlayay ciidamada ayaa sheegay in dhalinyarada ay ka rabaan kuwo ay da’dooda u dhaxeyso 18-jir illaa 25 jir.

“Dhalinyaro nadiif ayaa rabnaa oo 18 jir illaa 25 ah, nimanka da’da ah oo farsamada lagu soo qoray xoogaa farsamadooda ayay ku fakanayaan waa u dulqaadaneynaa, laakiin kuwo il la’ kuwa, lugo la’ iyo kuwa gacmaha la’ waa dhaqaajinayaan halkaan lagama rabo”ayuu yiri Mahad C/raxmaan.

Hadalka ka soo yeeray Taliyaha Asluubta ayaa dhaliyay dood kala duwan, waxaana dad badan ku tilmaameen inay tahay mid jees jees ah oo muujinaya mas’uuliyad darro.