Maadey si aqlabiyad leh ugu guulaystay Gudoomiyihii ONLF

Doorasho si xor ah oo xalaal ah uga dhacday Hoolka Kuliyada Beeraha ee Magaalada taariikhiga ah Godey,ayaa caawa si aqlibiyad leh loogu doortay Gudoomiyaha Ururka ONLF.

Tartan xiisa leh si adagna looloolamay,ayaa waxaa isku hardiyay Musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Sh.Mahdi iyo Axmed Yaasiin Shiikh Ibraahim.

Ergada golaha fadhiday oo gaaraysay 630-ergo,ayaa ukala codeeyay labada musharax.

Cabdiraxmaan Sh.Mahdi,ayaa helay coddad gaaraya 340,halka Axmed Yaasiin uu ka helay 251 sidaana waxaa Gudoomiayah ururka ONLF ku nqoday Cabdiraxmaan Sh.Mahdi.

Lasoco wararkayaga danbe iyo warka oo faahfahasan.