Maxkamadda Sare oo u fariisaneysa dhowaan Dacwada Xisbiga Himilo Qaran.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay bilaaban doonto dhageysiga dacwadda uu u soo gudbiyey xisbiga Himilo Qaran ee ku saabsan xayiraadii safar ee lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Baashe oo haatan booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee VOA in dacwada Xisbiga Himilo Qaran u soo gudbiyay Maxkamadda Sare maalmaha soo socda la dhageysan doono.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Baashe ayaa sheegay in maxkamadda sare ay tahay mid madax bannaan oo dacwad qaadi karta balse ma sheegin taariiqda saxda ah ee ay bilaabanayso dacwada uu xisbiga Himilo Qaran u gudbiyay Maxkamada Sare.

“Dacwwad uu Xisbiga Himilo Qaran soo gudbiyay oo ku saabsan dacwad maamul oo hey’adda duulimaadka rayidka ayaa maalmaha soo socda Maxkamadda bilaabeysa dhageysigeeda”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

“Dunida oo dhan intaan ka ogahay Madaxweynaha ayaa magacaaba gudoomiyaha maxkamada sare balse maxkamada waa mid madax banaan.”ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamada Sare Baashe mar wax laga weydiiyay sida ay suurtogal u tahay in Madaxweynaha oo soo magacaabay uu ugaga madaxbanaanaado.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa Maxkamadda Sare waxaa uu u gudbiyey 6-dii bishii Oktober dacwad ka dhan ah waaxda duulista iyo saadaasha hawada, kadib markii garoonka Aadan-cadde loo diiday inuu ka duulo Hoggaamiyaha Xisbiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Kismaayo ku sii jeeday.