Dowladda Federaalka oo shaqo joojin ku sameysay Labo Hay’adood+Akhriso

Wasiirka Wasaaradda Warfafainta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu hakiyey Shaqooyinkii Ay dalka ka hayeen laba hay’adood oo kala ah Media Ink iyo Perspective Media ,kuwaas oo kamid ah Hay’adaha ka howlgalla Soomaaliya.

Wareegto uu ku saxiixan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Al-Cadaala ayaa lagu shaaciyey in la hakiyey Shaqooyinkii ay dalka ka hayeen labadaasi Hay’adood.

Shaqo hakinta labadan Hay’adood ayaa la sheegay inay timid kadib markii ay raaci waayeen nidaamka ay Wasaaraddu u dejisay hey’adaha ka shaqeeya warbaahinta ee Ku sugan gudaha dalka.

Hay’adaha Media Ink iyo Perspective Media ayaa waxaa ay ka Shaqeeyaan Arrimo la xiriira dhinaca Warbaahinta, iyaga oo Xarumo waaweyn ku leh Magaalooyinka Nairobi ee dalka Kenya iyo Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland.