Gaza: Israel oo duqeyn ku dishay Sarkaal sare iyo rayid

Ciidamada Israel ayaa dilay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda  Jihaadul Islaam ee ay taageeraan Iiraan Ka dib weerar ka dhacay Marinka Gaza oo lgu bartilmaameedsaday ninkasi.

Dilka sarkaalkaasi oo lagu magacaabo  Baha Abu Al-Atta ,ayaa dhacay xilli uu ku sugnaa hoygiisa oo ku yiillay degmada Shejaia ee Gaza  waxaana sidoo kale duqeyntaasi lagu dilay haweeneey,halka uu dhaawac soo gaaray laba ruux oo kale.

Duqeyntaasi ka dib tiro gantaallo ah ayaa lagu weerarary deegaanada dadka Yuhuudda ee ku dhow Gaza, mana jiraan faahfaahin  ku saabsan khasaraha gantaaladaasi oo ka yimid madaxda Isra’il.