Golaha Khubarada QM: Lacag fara-badan ayay XFS u adeegsatay Doorashadii Koonfur Galbeed+Warbixin

Vassily Nebenzia, Permanent Representative of the Russian Federation to the United Nations and President of the Security Council for the month of September, chairs the Security Council meeting on the situation in Libya at the UN Headquarters in New York City, New York, September 4, 2019. (Photo by EuropaNewswire/Gado/Getty Images)

Warbixintii u dambeysay ee ay soo saareen Golaha Khubarada Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya ayaa waxay uga hadleen arrimo kala duwan, sida canshuurta Al-Shabaab ka qaadaan Ganacsatada, hubka sharci darada, mamnuucida Dhuxusha iyo arrimo kale.

Golaha Khubarada Qaramada Midoobey ayaa sheegay in lacago loo adeegsaday doorashadii sanadkii la soo dhaafay ka dhacday Koofur Galbeed.

Warbixinta Golaha uu soo saaray oo loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka koobneyd illaa 161 Bog.

82 Xildhibaan oo Maamulka Koofur-Galbeed ka mid ah ayaa la keenay magaalada Muqdisho bishii November 2018 si midkiiba loo siiyo $5000, isla markaana loo ballanqaaday in la siin doono lacag tiradeedu u dhaxeyso $20.000 illaa $30.000 si ay u taageeraan musharrax gaar ah oo Xukuumadda Federaalka wadatay.

Sidoo kale Golaha Khubarada Qaramada Midoobey ayaa sheegay in kummannaan kun oo dollar la siiyey saraakiil ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

Doorashadii ka dhacday Koofur Galbeed ee uu ku guuleystay C/casiis Lafta Gareen oo Wasiir ka ahaa Xukuumadda Federaalka ayaa aheyd doorasho ay hareysay qalalaaso siyaasadeed oo sababay bannaan bax rabashado watay oo ay dad ka badan 10 ruux ku dhinteen, kaddib markii Ciidamada Itoobiya ay xireen Mukhtaar Roobow oo horay uga soo goostay Al-Shabaab, kana mid ahaa Musharaxiintii xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Halkan riix si aad u akhriso Warbixinta Golaha Khubarada QM