Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay inuu la heshiiyo Al-Shabaab iyo Somaliland

Agaasimaha Machada Arrimaha Siyaasadda ee Heritage C/rashiid Khaliif Xaashi ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee uu dalku galay maalmihii la soo dhaafay, isagoo sheegay in Soomaaliya aanay xiiso u qabin dagaal siyaasadeed.

Mr C/rashiid ayaa sheegay in xaalada siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda iyo mucaaradka ay hoggaaminayaan Madaxweynayaal hore inay mareyso meel halis ah.

“Soomaaliya xiise uma qabto dagaal siyaasadeed maadaama boqolkiiba siddeetan muwaadintiinta Soomaaliyeed ay ku nool yihiin saboolnimo halka boqolkiiba 79% carruurta Soomaaliyeed iskuul ma aadaan”ayuu yiri qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku qoray.

Agaasimaha Machada Arrimaha Siyaasadda ee Heritage C/rashiid Khaliif XaashiXaashi.

Waxaa uu sheegay in Xiisada siyaasadeed ee jirta, shakiga iyo is eedeynta u dhaxeysa dowladda iyo mucaaradka ay halis weyn u yihiin in dhacdo amni darro ay dhacdo, haddii ay dhacdana ay horseedi karto dagaal iyo khal khal gelinta.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay UN-ka iyo AMISOM in aanay iska indha tirin xaaladaha siyaasadeed ee taagan.

Qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu talo ugu jeediyay Madaxweyne Farmaajo “Mudane Madaxweyne Farmaajo waajibaadkaada shaqo ma aha in aad cashar barto siyaasiyiin ee shaqadaadu waa inaad noqoto aabe muuqaal u ah qaran guuldareysatay, Waxaa lagaa rajeynayay in aad heshiis la gaarto Al Shabaab, Somaliland, Puntland, Jubaland, Siyaasiyiinta Muqdisho, Soomaaliya waxa ay u baahan tahay nabad qiime kasta ha ku kacdee”