Mudug: Maleeshiyo weerartay Dad dhuxul shidayay

Inta la xaqiijiyay hal Ruux ayaa ku dhintay, mid kalena waa uu ku dhaawacmay kaddib weerar lagu qaaday qaar kamid ah dadka Dhuxusha Shida oo ku nool deegaan hoostaga Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Weerarka oo ka dhacay Deegaanka Dhagtuur oo qiyaastii 120-KM dhinaca koonfureed ka xiga Magaalada Galkacayo, ayaa la sheegay inay geysteen maleeshiyaad deegaanka ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay horay ugu amreen inay joojiyaan dadka dhirta  jaraya ee dhuxusha ka sameynaya, hayeeshee ay taasi ka dhega adeeygeen, isla markaana ay keentay in xalay saqdii dhexe weerar ay ku qaadaan.

Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu kamid ahaa dadka Dhuxusha shidayay, halka qof kamid ah maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday uu dhaawac soo gaaray, kaas oo la geeyey Isbitaalka deegaanka Dhagtuux ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Ma jirto wax war ah oo ku Aadan weerarkan ka dhacay Degaanka Dhagtuur oo kasoo baxay Maamulka Koonfurta Gobolka Mudug ee Galmudug.