Ra’iisulwasaare oo la kulmay Madaxweynaha Faransiiska

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo gaaray dalka Faransiiska ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay Madaxweynaha dalkaas Emmanuel Macron.

Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa waxaa ay uga wada hadleen xiriirka labada dal,horumarka ay Soomaaliya garatay iyo taageerada Faransiiska ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxweynaha Faransiiska waxaa uu uga mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Magaalada Paris.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dalka Faransiiska waxa uu u tegay ka qeyb-galka shirka Nabada Paris oo looga hadlayo xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka,isaga oo u safri doona magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub si uu kulamo ula qaato hoggaanka cusub ee midawga Yurub.