Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ka furmaya maanta Nairobi

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gelinkii dambe gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa  Maanta waxaa uu ka qeyb-geli doonaa shir ka furmaya Magaaladaas.

Shirkan oo socon doona mudo laba Cisho ah ayaa waxaa hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA), iyada oo lagu jaangooynayo qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa uu kulamo ducoeedyo kala duwan uu la yeelan doonaa madaxda ka qeyb-galeysa Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey.