Xasan Daahir Aweys oo weerar afka ah ku qaaday Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Farmaajo+VIDEO

Xasan Daahir Aweys oo maxbuus u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed horeyna ay iskala tirsanaayeen Maxaakiimtii islaamiga.

Xasan Daahir Aweys ayaa Sheekh Shariif ku eedeeyey inuusan isaga cadowga iyo mooryaanta ka saarin Muqdisho, balse uu isaga si fudud ku helay xilka uuna meel cidlaa uga tagay dadkii shaqadaas qabtay.

”Siyaad Barre si fudud ayuu xilka ku helay si baasna waa uga tagay, waxaana sidaas oo kale la mid ah Shiikh Shariif  oo meel sahlan ka helay haddana meel cidlaa uga tagay, weliba Shiikh Shariif wuxuu Siyaad Barre uga duwanaa magaca Alle ayuu xilka ku qaatay, magaca Alle markaa ku qaadatayna meel cidlaa uga tagtay, haddii ay tahay mabda’ meel cidlaa uga tagtay, dadkiina meel cidlaa uga tagtay” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys oo si toos ah muuqaal uga soo galay bartiisa Facebook.

Sidoo kale, Xasan Daahir Aweys ayaa ku eedeeyey inuu Sheekh Shariif inuu yahay nin dadka ku daneysto  markii dantiisa uu gaarana meel cidlaa uga tago, isagoona ugu baaqay inuu Alle ka cabsado isla markaasna uu joojiyo dadka uu qiyaamayo.

Dhanka kale, Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay hab-dhaqanka Madaxweyne Farmaajo, isagoona sheegay in aysan is laheyn Balanqaadyadiisii iyo dhaqankiisa, waxaana uu tilmaamay inuu Maskaxda kala socdo Madaxweynihii Dowladii Milatriga Maxamed Siyaad Barre.

Ugu dambeyntii, Xasan Daahir Aweys ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii Hore ee DKMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed inay ilaaliyaan nidaamka una dhaqmaan si Dowladnimo leh.