Diiwaan-gelinta Musharixiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo soo Gaba-gaboobaysa maanta.

Diiwaan-gelinta Musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa sida qorshaysan la soo geba-gabaynayaa maanta oo Arbaco ah.

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, ayaa maalmihii la soo dhaafay diiwaan-gelinayay musharrixiinta u tartamaysa qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamanka.

Saddex Musharrax oo kala ah; Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Cali Axmed Saalax Dhahar iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ilaa iyo hadda si rasmiya isu diiwaan-geliyay tartanka Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo la qorsheeyay in ay dhacdo Khamiista berriya.

Guddoomiyihii Hore ee Golaha  Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, ayaa Khamiistii hore xilka laga qaaday, kadib markii ay mooshin ka gudbiyeen 44 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka.