Guddoomiye Mursal oo lagu soo dhaweeyay Jigjiga+VIDEO

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Jigjiga kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Degaanka Soomaalida Cabdi Maxamed Aadan.

Gudoomiye Mursal ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Addis Ababa, kadib markii uu Casuumaad ka helay dhigiisa dalka Itoobiya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Jigjiga kulamo kala duwan la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshadda iyo Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.