Mareykanka: Nidaamka keydka Somaliland ayaa ka wanaagsan kan DF Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa markii u horeysay si rasmiya u shaacisay in tixgelin gaar ay siin doonto dowladda aan weli la aqoonsan ee Somaliland.

Mareykanka ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay nidaam kayd oo wanaagsan, gaar ahaan dhanka Hay’daheeda, isla markaana ay tixgelin gaar ah siin doonto Dhukumintiyada ka soo baxa Hay’daha Somaliland.

Wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Dhukumintiyada dhalashada, kuwa guurka iyo dhimashada, ee ka soo baxa Somaliland ay u aqbalayaan qofka marka uu dalbanayo dal ku gal dalkooda.

Wasaarada ayaa qoraal ay Mareegteeda internetka ku baahisay, ku xustay in nidaamka keyd ee dowladda federaalka Soomaaliya uu ka wanaagsan yahay midka Somaliland.Valueimpression Placeholder

Warbixintaasi ay soo saartay Wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanku, ayaa waxa laga dheehan karaa heerka kalsooni ee uu Mareykanku ka qabo Dhukumintiyada Dowladda federaalka Soomaaliya.