UPDATE: Xaaladihii ugu dambeeyay ee Boosaaso iyo kulamo socda

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal kooban oo maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, kaas oo u dhexeeya Ciidanka Ilaalida Kantaroolka iyo Maleeshiyo Beeleed uu hoggaaminayo Nin lagu magaacabo Ciise Yulux oo kamid ahaa Hoggaamiyihii Kooxihii Burcad-badeedka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas uu sababay Dhimashada 2 kamid ah Maleeshiyaadka iyo Dhaawaca Saddex askari oo soo kala gaaray Labada dhinac, waxaana haatan degan xaalada Magaalada Boosaaso ee xudunta Puntland.

Dadka Degaanka ayaa inoo sheegay in Maleeshiyo beeleedku gudaha u galeen Magaalada Boosaaso, iyagoona xirtay aag, waxaana jira Ciidamo kamid ah kuwa difaaca Dowladda Puntland oo ku wajahan Magaalada.

Saraakiisha amniga ayaa inoo xaqiijiyay inay socoto dadaal ay wadaan Isimada Gobalka Bari, kuwaas oo ka dalbaday Dowladda in la siiyo waqti ay ugu caqli celiyaan kooxaha hoggaaminaya maleeshiyaadkan gudaha u soo galay Boosaaso.

Dhanka kale, Maamulka Gobalka Bari, kan Degmada Boosaaso iyo Hay’adaha ammaanka ayaa haatan kulamo ka leh xaalada kasoo cusboonatay Magaalada Boosaaso, iyadoona la filayo inay saacadaha soo socda la hadlaan Saxaafadda.

Xiisada ka taagan Magaalada Boosaaso ayaa la sheegay inay dabada ka riixayaan Kooxihii lahaa shirkadda PDG oo Logistics u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMP, taas oo dhawaan laga qaaday Mashruucan, kaddib khilaaf soo kala dhex-galay Shirkadda iyo Saraakiisha Dowladda Imaaraadka ee gacanta ku haya Ciidanka.