Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal ka socda duleedka Boosaaso

Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaa howlgallo culus ka wada duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaddib markii Kantaroolka Boosaaso ay saaka weerareen maleeshiyo beeleed.

Maleeshiyaadka weeraray Kantaroolka Magaalada Boosaaso ayaa ka kicintimay Degmada Carmo, iyagoona isku dayay inay si xoog ah ula wareegaan Kantarool, waxaana ay iska cabin kala kulmeen Ciidanka Ilaalada Kantarool, iyadoona markii dambe ay gaareen goobta Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Ciidanka amniga Puntland iyo Maleeshiyo Beeleed uu ka socdo Duleedka Magaalada, waxaana jira khasaare Dhimasho iyo Dhaawac.

Saraakiisha ammaanka oo la hadlay Idil News, ayaa sheegay in Maleeshiyo beeleedkan ay ku dhex-jiraan xubno katirsan Kooxda Daacish eek u dhuumaleysanaysa Buuraha Gobalka Bari iyo Rag ku eedeysan falal burcad badeednimo oo ay raadinayaan Dalalka Caalamka.

Sidoo kale, Saraakiisha ammaanka ayaa inoo xaqiijiyay inuu howlgalku haatan socdo ayna rajeynayaan inay saacadaha soo socda soo afjaraan, waxaana ay tibaaxeen inay goor-dhow la hadli doonaan Saxaafadda.

Dhanka kale, Ilo-wareedyo la hadlay Shabakadda Idil News, ayaa sheegay in Maleeshiyaadka weeraray kantaroolka ay dabada ka riixayaan Kooxihii lahaa shirkadda PDG oo Logistics u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMP, taas oo dhawaan laga qaaday Mashruucan, kaddib khilaaf soo kala dhex-galay Shirkadda iyo Saraakiisha Dowladda Imaaraadka ee gacanta ku haya Ciidanka.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.