Wasiir Cawaash oo ka hadlay Hormarinta Kalluumeysatada Puntland+VIDEO

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash, ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ka daah-furay xarun lagu keydin doono Kalluunka iskaashatada EYL.

Wasiir Faarax Cawaash ayaa ka hadlay qorshaha Wasaraaddu ay ku horumarinayso Kalluumaystada Xeebaha Puntland iyo guud ahaana suuq-geynta Kheyraadka Badda, isagoona sheegay inay ka go’an tahay in la kordhiyo wax soo saarka Kheyraadka Badda.