DEG-DEG: C/rashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland

Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku guuleystay Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo haatan kusoo gaba-gabowday xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamayaan  Saddex Musharrax, iyadoona wareeg labaad, kaddib markii lagu kala adkaa waayay wareegii kowaad.

Wareegii labaad ee Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaa ku loolamayay Labo Musharax, Xildhibaan Abwaan C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaana helay 46-Cod, halka Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo ahaa Musharaxa la tartamayay wareega labaad uu helay 17-Cod.