Dr. Gaas oo u hambalyeeyay Guddoomiye C/rashiid, baaqna u diray Shacabka Puntland+Akhriso

Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa u soo hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Puntland Mudane C/rashiid Yuusuf Jibriil.

Dr. C/weli Gaas oo qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa alle uga baryay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Puntland inuu ku asturo xilka loo doortay, isagoona ugu baaqay Shacabka Puntland inay u mahad-celiyaan Eebbe oo ilaashadaan Ammaankooda.

“Waxaan u hambalyaynayaa saaxiibkay cabdirashiid yuusuf Jibriil oo maanta loo doortay guddoomiyaha golaha wakiilada puntland. Allaha kugu asturo xilka laguu doortay. Reer puntland waxaan leeyahay ilaahay u mahadnaqa oo ammaankiina xagsada.” ayuu yiri Madaxweynihii Hore ee Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaa kamid ah saaxibada dhow ee Madaxweynihii Hore ee Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, waxaana la sheegaa inuu Dr. Gaas uu kusoo daray saaxada Siyaasadda Puntland, isagoona Mr. C/rashiid ahaa Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Madaxtooyadda Puntland Xukuumadii Madaxweyne Gaas.