Guddoomiye Mursal: Doorashada Soomaaliya waqtigii loogu tala-galay bay ku dhicin

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegay in doorashada soo socta ee Soomaaliya ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay, isaga oo meesha ka saaray dib u dhac ama muddo korarsi.

“Doorashada Soomaaliya xiligii loogu tala galay ayay dhici doontaa ,waxaa uu barlamaanka hadda gacanta ku haya sharciga doorashada oo guddii loo magacaabay, waxaana rajeeneynaa bishan Noofeembar in barlamaanka ka doodo sharcigaas, bisha Diseembar na la ansixiyo sharciga doorashada”, ayuu yiri guddoomiye Mursal oo la hadlayay BBC-da.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in mudo xileedka dowlad walba ay ku qoran tahay dastuurka, oo dowladda walba ay heysato Afar sano, marka Afartaas sano ay dhamaatana doorashada la qaban doono.

Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa guddi u magacaabay sharciga doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo dalka, waxaana guddigaas uu kulamo ugu tegay inta badan maamulada dalka, si ay uga ra’yi dhiibtaan sharciga doorashada.

Xulista guddiga doorashada ee barlamaanka uu magacaabay ayaa timid, kadib markii xukuumadda federaalka ay barlamaanka u gudbisay sharciga doorashada, taas oo keentay in golaha shacabka ay guddi u magacaabaan ka soo tala biixnta soo jeedinta dowladda.

Doorashada xubnaha barlamaanka Soomaaliya oo haatan ay ka harsan tahay sanad ayaa wali waxaan la ogeyn qaabka ay u dhici doontaa doorashada iyo nooca doorasho ee ay Soomaaliya yeelan doonto, arrintaas oo dad badan ay ka dhowrsugayaan.

Qaar ka mid ah Asxaabta dalka ayaa shaki ka qaba in madaxda xiligan joogta damacsan yihiin in ay waqti kale ku sii darsadaan muddo xileedkooda, iyaga oo arintaan uga digay in ay dhacdo, balse hadalka guddoomiyaha ayaa u muuqda mid meesha ka saaraya shakigaa ay qabaan Asxaabta dalka.