Itoobiya oo xabsiga dhigtay Dad loo heysto rabshado arday ku dhimatay.

Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya waxay sheegeen inay xireen dad looga shakisan yahay inay qalalaase ka hurinayeen jamaacado ku yaal dalkaas oo ay ku dhinteen saddex ardey, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana.

Samuel Kifle oo ah wasiirka seyniska iyo waxbarashada sare ayaa sheegay in dowladda ay waddo howlgallo kale oo lagu qabanayo dad kale oo lala xiriiranayo rabashadaha.

Balse ma uusan sheegin tirada dadka ee la xiray.

Waxaa uu sheegay in 2 ardey ah lagu dilay rabshadaha halka tiro kalena ay dhaawacmeen kaddib markii rabshado ay ka dhaceen jaamacadda Wadiya ee ku taal waqooyiga Itoobiya.

Rabshado kale ayaa ka dhacay jaamacadaha kala Metu iyo Jimma ee u yaal koonfur galbeed dalkaas iyo jaamacadda Medawelabu oo ku taal Addis Ababa, sida uu sheegay wasiirka.

BBC waxay la hadashay qaar kamid ah ardeyda kuwaas oo sheegay in aysan jaamacadda cabsi darteed maadama ay xiisada ka taagan tahay halkaas.

Ciidammada ammaanka ayaa loo daabulay dhowr jaamacadood si ay xaaladda u dejiyaan.