Madaxweyne Farmaajo yaa la taliya & oo khudbadaha u qora ? W/Q: Amb. Caalim

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyay qaar ka mid ah bulshada Soomaaalida ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa sheegay in dowladdiisu ka socon la’dahay sida uu hadalka u dhigay siyaasiyiin xanaaqsan oo shaqo doon ah.

Waxaan is weydiiyey si shaqsi ah maxay tahay sababta ka hortaagan Madaxweyne Farmaajo in uu khudbadihiisa ku soo qaato dhibaatada bulshada haysata ee isagu madaxweyne u yahay.

Tusaale wanaagen,

Meeshii la rabey in muhiimada khudbadiisa iney noqoto dhibaatooyinka fadahaada Beledweyne & Bardaale si shacabka u la hadleyey ugu waramo xaaladda humanitarian, Nasiib daro;

Madaxweyne Farmaajo khudbadiisa waxay aheyd mid u jeedinayo inuu u jawaabo Madaxweynayaashii isaga villa somalia uga Horeeyey isagoo ku Tilmaamay Rag shaqadoon ah.

Qof dalka iyo dadka somaaliyeed dan ka laheyn. Ma ahay khudbadaasi Nairobi;

Waa nasiib xumo in markasta wax wanaagan ka dhigo oo khudbadiisa ku soo qaato Waad ogtihiin Aniga iyo Ra’iisal Wasaaraha muddo saddex sano ku dhawaad ah wada shaqeynteenu wey wanaagsan tahay,

Qorsheyaashii loo doortay maxaa uu ka qabtay Madaxweynuhu, kuwaas baa ah Waxyaabaha la rabo inuu Bulshada la wadaagee, sida

Amniga, Dhameystirka Dastuurka qabyada ah, Maxkamad dastuuriya, Tiro-koobka dadka Diiwaan gelinta dadka, Horumarinta federalka iyo Nidaamka dowligga, Siyaasadda arimaha dibadda, Wadda shaqaynta maamulka goboleedyada, Dhisida Ciidan qaran, Shaqo abuurka dhalinyarada & waxtarka bulshada.

Dalkii wuxuu ka bixila yahay Fadeexad siyaasadeed oo Shacabka soomaaliyeed jahwareer ku noqdey intaa ma ogyahay Madaxweyne Farmaajo!

W/Q: Danjire Mahamed Caalim