Xubno katirsan Al-Shabaab oo xukun dil ah lagu riday+VIDEO

Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay oo Khamiis ah waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Afar rag lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Shuceyb Cabdullaahi Maxamed & Saadaq Jabaar Xuseen,halka Maxamed Cismaan Axmed & Ismaaciil Maxamed Aweys lagu xukumay Xabsi daa’in.

Afartaan Dhalinyarada ah oo Maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan ayaa waxaa loo heystaa dilal Magaalada Muqdisho loo geystay saraakiil iyo askar ka tirsaneyd Ciidamada Dowladda iyo dad kale.