Dagaal xoog leh oo ka dhacay duleedka Boorama

Duleedka Galbeed ee Magaalada Boorame waxaa saakay waabarigii dagaal culus ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa jabhada uu hogaamiyo Suldaan Wabar.

Wararka,ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaaro xoog leh waxaana ciidamada Somaliland uga geeriyooday dagaalkaas 6-Asari halka ay uag dhaawacmeen dhaawacmay 8-kale agana gubay laba Gawaarida dagaalka ah.

Dhinaca Jamhada Suldaan Wabar,ayaa la xaqiijiyay in uusan kasoo gaarin wax khasaara ah haba yaraatee dagaalkaas.

Somaliland,ayaa ku daabushay Deegaanka dagaalku ka dhacay Ciidamo dheeraad ah.

Afhayeen uhadlay Jamhada Suldaan Waber oo ana xiriir la yeeshay,ayaa ii sheegay in ay gacanta ku dhigeen Deegaankii dagaalku ka dhacay oo Kaabiga usaaran Magaalada Borama.