Fahad Yaasiin Oo guure ugu tagay Sh.Shariif

Waxaa Guriga Sh.Sahrrif xalay saq dhexe tagay Fahad Yaasiin oo lagu xanto in uu yahay Mulkiilaha Dowlada uu hogaamiyo Farmaajo.

Fahad Yaasiin,ayaa raali galin iyo usoo hoyasho ugu tagay Madaxweyne Shariif kadib dhacdadii garoonka Aadan-Cade ee aadka uga caraysiisay Madaxweynayaashii hore iyo Madasha Xisbiyada.

Kulanka oo socday 40-daqiiqo,ayuu Fahad uga codsaday Shariif in xaalada la dajiyo waxii dhacayna uu ka xun yahay raaligalina ka bixinayo,isla markaana uu ka codsanayo in uu aqbalo kulan dhexmara Farmaajo.

Madaxweyne Shariif in uu ku qancay hadalka Fahad Yaasiin .aqbalayna codsigiisa la kualanka Farmaajo lama xaqiijin karo.

Fahad Yaasiin,ayaa ah madaxa hay’ada Nabadsugida ,sidoo kalena aad ugu dhow sirdoonka Dowlada Qadar,waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay shaqsiga daaha gadaashiisa si buuxda uga maamula Dowlada Villa Somaliya.