Isimada oo ku guulaystay dhexdhexaadintii Xukuumada iyo Shirkada PDG

Qaar ka mid ah isimadda Puntland oo waday dadaal lagu xalinayo xiisad ka taagnayd Bosaso ayaa ku guulaystay inay ku qanciyaan maleeshiyaad Taageersanaa shirkadda PDG inay ka baxaan magaaladda oo ay dib ugu laabtaan Fariisimihii ay soo kicitimeen.

Isimadu waxay maanta la kulmeen Masuuliyiinta shirkadda PDG iyo Saraakiishii hoggaaminaysay Maleeshiyaadkii soo galay magaaladda Bosaso. Sidoo kale Isimadda oo ay weheliyeen culuma’udiinka ayaa xarunta gobolka Bari ee Bosaso waxay galabta kullan kula yeesheen wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka amniga, Guddoomiyaha gobolka bari iyo qaar ka mid ah saraakiisha Amniga ee Puntland.

Isimada iyo Masuuliyiinta dowladda ee ku sugan gobolka kama hadlin natiijada wadahadlada dhexmaray dhinacyada kala duwan hase yeeshee Horseedmedia oo la xiriirtay qaar ka mid ah masuuliyiintii ka qaybgalay kulanka gobolka waxay sheegeen in xal laga gaaray xiisadii ka taagnayd Magaaladda Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Maalinta sabtida oo ku beegan 16 November 2019 ayaa la filayaa in maleeshiyaadku bilaabaan inay ka baxaan magaaladda Bosaso iyagoo dib ugu laabanaya fariisimihii ay ka soo kicitimeen.

13kii bishan ayaa iska horimaad hubaysan wuxuu ku dhexmaray ciidamo ku sugnaa Kontoroolka magaaladda iyo Maleeshiyaad hubaysan oo ka soo kicitimay dhinaca degmada Carmo ee gobolka Bari, isku horimaadkaas waxaa ku dhintay labo askari, tiro kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray.