Video:-Jawar Mohammed”Ma doonayno inaan u Talino Canfar ama Soomaali”

”Fiiri, anagu ka oromo ahaan baanu u dagaal galnay waayo waxaanu ognahay waxey tahay caburintu, waxaan aaminsanahay in aan Deegankayaga iskaayaga ugu talino; maamul wadaag federaal ahna qeyb ka noqono, ma doonayno in aan u talino Canfar ama Soomali, ma doonayno in aan farogalino arimaha gudaha ee Canfatar ama Soomalida”sidaa waxaa yiri Jawar Maxamed..

”Waan dagaalami waana ku dhiman hadu qof Oromo ah doonayo inuu ku gumeysto, sababto ah waan ogahay halkay dadkaygu gumeysiga ka taagan yihiin”ayuu yiri markale Jawar.

”Jawar oo hadalkiisa sii wata,ayaa yiri”Maanta itoobiya, dadbaan xagooda dambiilaha koobaad ka ahay; qof na ma xadin, qofna naagtisii kama dhicin, waxba ma sameynin. Ma ogtahay sababta; kuwo doonaya in ay soo celiyaan nidaamkii ay kaligood wax ku xukumayeen, kuwo doonaya inay boobaan khayraadka Canfarta, Oromada,Soomalida,Walayta…! Waxey ii arkaan jidgooyo sababtoo ah waan diiday in aan tanaasulo!, ma na tanaasuli doono! Xoriyad udirir dhab ah, Soomali ha ahaado Canfar,Sidama.. marna ka tanaasuli maayo xuquuqdisa in uu si Qowmiya isku maamulo talada dalkana uu saami cadaalad ah ku yeesho”.

”Fiiri, markasta waxaan iraahdaa colaada dalka ka jirta waxey u dhaxeysaa isqabqabsiga 3-da Qowmiyadood ee u waa weyn; waa arin taariikhda la xariirta, itoobiyada ama geeska Afrika hiigsaneyno waa mid Qowmiyad kasta; yar & weyn baa aya iskeed isku maamusho talada dalkana ay wax ku leedahay, waa halkaas halkay oromadu taagan tahay; shaley, maanta iyo bari ba; dadkayagan garab taaganahay.”ayuu yiri Jawar Maxamed.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka