Madaxweyne Biixi: Dowladda Farmaajo labadii Madaxweyne ee ka horreeyay waa xirtaa (VIDEO)

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Amniga Guud ee Degaanada Somaliland iyo Mandaqa Geeska Afrika, waxaana uu farriin u diray dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in ammaanka degaanada maamulka Somaliland uu wanaagsan yahay, islamarkaana ay jiraan tabashooyin ay qabaan qaar ka mid ah beelaha Somaliland.

Sidoo kale, Biixi ayaa xusay in Somaliland ay kamid tahay meelaha ugu Ammaanka badan Geeska Afrika marka laga eego dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

“Maanta Kismaayo dagaalbaa ka socda Xamar dagaalbaa ka socda oo dowladda Farmaajo labadii Madaxweyne ee ka horreeyay maalin walba way xirtaa waad arkeysaa halka la maraayo iyo Qaraxa ka taagan Puntland maanta waad arkeysaan dhibkaas oo dhan waxaa wadda dowladda Farmaajo laakiin wali way ku jirtaa tababar oo waxay kusoo wajahan tahay Somaliland”ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeyay Madaxweyne Farmaajo in uusan doonin dhismaha maamulada dalka ka jira, islamarkaana dagaallo uu ku sameynaayo dhaqaalihii uu caalamku ku taageeray.