VIDEO: Puntland oo bilowday diiwaan-galinta Ganacsatada waa wayn

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa bilowday olole lagu diiwaan galinayo canshuur bixiyaasha waa weyn, kuwaas oo dhan 27 canshuur bixiye, ayagoo qaybtood ay xaruntoodu tahay Magaalada Garoowe, Wasaaradda ayaana ololahan wadaysa Todoba maalmood.

Agaasimaha Canshuuraha Berriga Mahdi Faarax Qambi oo ka hadlay Olalahan, ayaa sheegay Diiwaangelintan ay ahmiyad gaara ah u lee dahay ganacsatada, kuwaas oo ay u fududeynayso in uu kaga qeyb-galo dhamaan Mashaariicda ka socota Puntland.

Sidoo kale, Agaasime Qambi ayaa sheegay in Ganacsade kastaa oo is-diiwaan-geliya, shirkadiisa  loo ilaalinayo magaca, hantidiisa gaaarka ah iyo dhamaan xuquuqaha uu ku leeyahay dowladda Puntland.

Sidoo kale,  Agaasimaha Canshuuraha Berriga Mahdi Faarax Qambi ayaa intaas ku daray “Dawladda ayaa u nidaaminaysa shirkadaha waa wayn oo bixiya cashuuraha ugu badan, Shirkaddahaas ayaa loo sameyn doonaa xafiis gaar ah oo nidaamin doona cashuuraha waajibka ah ee lugu leeyahay, asagoo u sameyn doona adeegyada kala duwan ee cashuur bixiyuhu u baahanyahay”.