Safiirka UK oo ka hadlay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Puntland+VIDEO

Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ben Fender OBE, ayaa ka hadlay Xaalada Siyaasadeed iyo mida amni ee Soomaaliya, Isagoona sheegay inay Muhiim tahay inay muhiim tahay in Soomaaliya ay ka dhacdo Doorasho waqtigii loogu tala-galay.

Danjire Ben Fender OBE, oo maanta Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay Madaxweyne Deni ka wada-hadleen Arrimo ay kamid yihiin Xaaladaha amni iyo Siyaasadeed ee Soomaaliya, Taageerada UK ee Soomaaliya, Soo celinta Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada iyo Qabsoomida Doorashada Soomaaliya waqtigii loogu tala-galay.

“Waxaan yeelanay wada hadal miro dhal ah sida Madaxweynuhu sheegay, wuxuuna ku saabsana Iskaashiga ka dhexeeya Puntland iyo UK, Xiriirkaasi oo ah mid qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya, sida Horumarka dhaqaalaha , Shaqo abuurka, Gargaarka Baniáadanimo, Iskaashiga dhanka Siyaasada iyo arrimo kale oo badan” ayuu yiri Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya

“Sidoo kale waxaan wada hadalo miro dhal ah ka yeelanay , sida ay muhiim u yihiin Doorashooyin ku qabsoomada xiligooda sanadka danbe, iyo in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu heshiiyo hanaanka Doorashada, aysana ka dib dhicin dhammaadka sanadkan iyo inaan hubino in dib loo soo celiyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah” ayuu yiri Danjire Ben Fender OBE oo ka hadlay Shir Jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.