Shirka Maamul daadejinta iyo Adeeg bixinta Dowladdaha Hoose ee Puntland oo furmay+VIDEO

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland oo magaalada Garowe ku qabatay shir ku saabsan hanaanka isku xirka iyo wada shaqeynta Wasaarada Dawladda iyo bahwadaagta la shaqeysa kaas oo looga hadlayey Maamul daadejinta iyo Adeeg bixinta Dowladdaha Hoose.

Shirka ayaa socon doono muddo laba cisha ah waxaana kasoo qeyb galay qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Puntland, masuuliyiin ka socotay wasaaraddaha Puntland, qaarkamida shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba, oo ugu horey Shirka ka hadlay ayaa marti sharafta ku soo dhaweeyey shirka, isagoona sheegay in laga wada shaqeeyo Dardar-gelinta hanaanka isku xirka iyo wada shaqeynta iyo sidii Maamul daadejinta iyo Adeeg bixinta Dowladdaha Hoose, sidii loo gaarsiin lahaa Dhammaan Degmooyinka Puntland.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Cabdiweli Mire Xirsi, oo Shirka furay ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka go,an tahay sidii Degmooyinka Puntland loo wada gaarsiin lahaa hanaanka isku xirka iyo wada shaqeynta iyo Maamul daadejinta iyo Adeeg bixinta Dowladdaha Hoose.