Guddoomiye Cirro oo ugu baaqay Taageerayaashiisa Banaan-bax ka dhan Madaxweynaha Somaliland+VIDEO

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah Somaliland ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in maalinta Barri iskugu yimaadaan xafiiskiisa ku yaala Magaalada Hargeysa si fariimo loogu sheego.

Gudoomiye Cirro ayaa taageeraashiisa gobolka Maroodi jeex ku koobay isku soo bax ay ku muujinayaan sida uga xun yahay nidaamka loo soo xulay xubno ka mid ah guddida doorashooyinka Somaliland.

“taageerayaasha xisbiga WADDANI ee gobolka Maroodi jeex in barri sideeda subaxnimo iskugu yimaadan xarunta xisbiga si loogu sheego fariimo muhiim ah oo qarankan lagu badbaadinayo”ayuu yidhi Cirro oo iskugu yeedhay taageerayaashiisii.

Gudoomiyaha xisbiga WADDANI waxa uu waxgaradka Somaliland ugu baaqay in la iskugu yimaado shir lagu badbaadinayo Somaliland, taas oo uu sheegay inuu madaxweynuhu halis galinayo.