VIDEO: Baarlamaanka Puntland oo kulan ku yeeshay duleedka Garoowe, una jawaabay Hay’adda FAO+Sawirro

Gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland Qaddo sharaf ugu sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Kulanka Qaddo sharafta ah oo ka dhacay Beeraha Jibagale oo yaalla duleedka Garoowe ayaa isugu jiray Mahad-naq iyo Is xog-wareysi, waxaana kasoo qeybgalay Badi mudanayaasha Baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa ka hadlay Bilicda iyo Beeraha Puntland, iyagoona Beeniyay warbixino ay baahisay Hay’adda FAO oo ku aadanaa inay Degaanada Puntland aysan laheyn Beero.

Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo kamid Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in ay Been abuur yihiin Warbixinaha ay ka daabacdo Hay’adda FAO Puntland ee ku aadan in Degaanadeedu aysan laheyn Beero.

Xildhibaan Dhaashane ayaa carabka ku adkeeyay Degaanada Puntland ay Lee dahay Beero ay kasoo go’aan dalagyada kala duwan oo ay kamid yihiin Khudaarta iyo cunnooyinka.