Xeer Ilaaliyihii Maxkamadda Ciidanka Somaliland oo ku biiray Puntland+VIDEO

Xeer ilaaliyihii Maxkamadda sare ee Ciidamada Maamulka Somaliland Gaashaanle dhexe Sahal Faarax Raage, ayaa kasoo goostay Somaliland, isagoona kusoo biiray Puntland.

Gaashaanle dhexe Sahal Faarax Raage oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa sheegay inuu ka tanaasulay xilkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u Magacaabay ee ahaa Xeer ilaaliyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Somaliland.

Sidoo kale, G/dhexe Sahal Faarax ayaa shaaciyay inuu ka tanaasulay xubinnimadii uu la ahaa Ciidanka Somaliland, waxaana uu sheegay in sababta uu uga soo goostay dhanka Somaliland ay tahay Caddaalad darro.

Ugu dambeyntii, G/dhexe Sahal Faarax Raage ayaa ku dhawaaqay inuu ku biiray Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland, waxaana Magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Saraakiil katirsan Ciidanka Puntland.

Illaa iyo hada ma jiro wax War ah oo kasoo baxay Maamulka Somaliland oo ku aadan inuu kasoo goostay Xeer ilaaliyihii Maxkamadda sare ee Ciidamada Gaashaanle dhexe Sahal Faarax Raage, waxaana jirtay in dhowr jeer oo horey in Ciidamo ka tirsanaa Somaliland ay u soo wareegeen Puntland.